Wasiirad Fowziya oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka COVID-19

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadkaSoomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada laguxakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in lagu yareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka, waxayna caddeysay in wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

Ugu yaraan 286 oo qaba cudurka Coronavirus ayaa illaa hadda laga diiwaan geliyey Somalia, halka 13 kalena ay ugu dhinteen, waxaana jira tuhun badan oo laga qabo in cudurka uu bulshada ugu dhex faafayo si qarsoodi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here