Wasiirka A. Dibadda Soomaaliya oo tababar hab maamuus u soo xiray 16 howlwadeen

tababar diblo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo xiray tababar hab maamuus oo socday muddo shan cisho ah oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya, oo ay ka qeybgaleen 16 howlwadeen oo ka kala tirsan Xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul wasaaraha, Golaha Shacabka, Aqalka sare iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Munaasabadda xidhitaanka tababarka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Madaxtooyada “Villa Somalia”, Dr. Nuur Diiriye Xirsi, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isxaaq Aadan iyo Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Machadka Diblomaasiyadda kadib dib-u-furiddiisii bishii December 2, 2019 kadib markii uu ku xidhmay dagaalladii sokeeye ee dalka ka aloosmay 26 January, 1991 oo hadda laga joogo muddo 29 sano, iyadoo dib u dhiskiisa iyo dayactirkiisuna ay maalgelisay Dowladda Qatar aanu walaalaha nahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here