Wasiirka Amniga Puntland oo si kulul uga hadlay taliye diiday inuu xilka wareejiyo

Csamad Maxamed Gallan

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa ku adkaystay in xilka uu wareejiyo taliyaha ciidammada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ee loo soo gaabiyo PSF.

C/samad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay’addaasi.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Arbacadii hadal qoraal ah oo la soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ciidanka PSF lagu diiday taliye cusub oo uu soo magacaabay madaxweynaha puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Illaa hadda war kale lagama hayo hoggaanka PSF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here