Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku baaqay in Soomaaliya la caawiyo

wasiirka arimaha dibada turkey

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ugu baaqay Ummaddaha Islaamka in ay ka qayb qaataan u gargaaridda Shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxa uuna sheegay in ay tahay masuuliyad saaran dhammaan dalalka Caalamka oo idil.

Warkaan ayuu ka sheegay kulanka wasiirada kooxda xiriirka oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay caasimadda dowladda Qatar ee Doha.

Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu ayaa beesha caalamka ugu yeeray in aan laga aamusin dhibaatadda shacabka Soomaaliyeed heysato.

“Khilaafyaddeena waa in aan meel aan iska dhignaa, waanna in aan mideeynaa mowqifkeyna si aan ugu shaqeyno nabad ku soo dabaalida iyo baraaraha Soomaaliya, sidoo kale waa in aan xoojinaa xasiloonidda siyaasadda, amniga, dhaqaalaha dalka Soomaaliya”.

Waxaa uu intaa ku daray in Dawladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiyeen dhanka bini’aadanimadda iyo Horumarinta oo ay ku baxday Lacag gaareysa hal bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here