Wasiirka arrimaha dibedda oo weerar culus ku qaaday Puntland iyo Jubaland

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland xilli uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka jira.

Wasiirka oo ka mid ah masuuliyiinta ku jira dowladda uu wakhtigeeda sii dhamaanayo ee kasoo jeeda Puntland ayaa beeniyay in dowladdu qabaneyso doorasho hal dhinac ah, taas badalkeedana wuxuu maamullada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay iney fulin waayeen qodobadii lagu heshiiyay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray Muqdisho.

“Waan nasiib darro in labada dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ay kasoo bixi waayeen wixii ay qorteen, sidee loo dhihi karaa mid hal dhinac ah? sida aan maqlayo dowlad goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradkuba ma rabaan in doorasho la qabto, sidee dowladnimada isku badaleysaa hadii aan doorasho la qaban,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay idaacadda VOA-da.

Wasiirka wuxuu dhanka kale si dadban u sheegay in la qaban karo doorasho ay ka maqan yahiin labada maamul uu carabaabay, maadaama uu sheegay in 8 goobood oo lagu ballamay in codeynta ka dhacdo ay diyaar yahiin, isla markaana waxa hadda maqan ay yahiin kaliya saddex goobood oo laba ay Puntland ku taallo iyo hal Jubbaland uu ka tilmaamay.

Dhanka kale isagoo ka hadlayay hadii door laga siin karo musharaxiinta heshiisyada la gaarayo wuxuu sheegay in markii horaba heshiisyada iney ka qeyb noqdaan ay diideen madaxda maamul goboleedyada.

Si kastaba dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uma muuqdaan kuwa doonaya in wadahadal lagu dhameeyo wax walba, waxaana loo fahamsan yahay iney doonayaan doorasho dhinacooda ah oo ay mar labaad kusoo baxaan.

Waxaa khilaaf ka jiraa guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer maamul goboleed, arrinta gobolka Gedo iyo waxyaabo kale, walina ma muuqato in dowladda dadaal u galeyso xalinta tabashooyinkaan, waxaana sidoo kale jira in beesha caalamka taageertay in wax lagu meelmariyo heshiiskii 17-ka September ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here