Wasiirka Gaashaandhiga DF oo UK uga mahadceliyey taageerada Ciidamada Somalia

amardambe iyo ben fender

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender.

Kulanka u dhexeeyay Wasiir Amar-dambe iyo Safiirka Ingariiska ayaa waxaa looga hadlay taageeradda Dowladda UK siiso Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib-udhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya.

Wasiir Amar-dambe ayaa Safiirka iyo dowladda Ingariiska uga mahadceliyay Dib-udhiska iyo Tayeynta ay ku wadaan Taliska qeynta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Dowladda UK, Dib-udhiska iyo tayeynta ay ka wadaan Taliska Qeybta 60-aad CXDS ee Koonfur Galbeed, oo hadda Dowladda UK ka hirgelisay dhismo Xero Cusub oo Ciidamadda XDS lagu tababaridoono, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda UK Mr. Ben Fender oo shaqo wanagsan naga dhaxeyso” ayuu yiri Wasiir Amar-dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here