Wasiirka gaashaandhigga: UK hadday dagaal galayso Maraykan yaanay isku hallayn

Britain Ben Wallace def sec

Britain waa in ay u diyaar garowdaa inay dagaalada gasho, iyada oo aysan la jirin oo aan isku haleynayn dalka ay xulufada yihiin ee Mareykanka, waxaa sidaasi ka digay xoghayaha gaashaandhiga ee Britain.

Ben Wallace ayaa sheegay in mamaulka uu hogaamiyo Trump oo dib uga joogsanaya doorkooda caalamiga ah ee dhanka hogaanka” ay isaga hurdada ka toosisay”.

Waxaa uu intaa ku daray in arrintani ay ku qasbayso UK in ay dib uga fikirto arrimaheeda gaashaandhiga iyo ammaanka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay UK isu diyaarinayso inay fuliso “isbadalkii ugu qotada dheeraa ” ee siyaasadaha dhanka gaashaandhiga iyo ammaanka ee uk sameeyo tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee dunida.

“Waxaan ka walaacsanahay haddii ay Mareykanka la noqdaan hogaankooda ku wajahan arrimaha caalamka,” Mr Wallace ayaa sidaasi u sheegay wargeyska Sunday Times.

“Arrintaasi waxay noqon doontaa mid aan caalamka u wanaagsanayn anagana aan noo wanaagsanayn, ayuu intaa ku daray.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa xusay in loo baahan yahay in Britain ay arrintan qorsho ka yeelato.

Ben Wallace ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo arrimaha gaashaandhiga ay noqon doonaan kuwa ku saleysan in UK aysan ku tiirsanaan Mareykanka marka ay timaado dhanka dagaalada mustaqbalka.

“Sanooyiinkii ugu dambeeyay waxaan aragnay Mareykanka oo ka baxaya Suuriya, iyo hadalka Trump ee ku wajahnaa Ciraaq ee ahaa in Nato ay door wayn ka qaataan arrimaha bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Wallace.

“Fikirka jiray tan iyo 2010 ee ahaa in mar walba aan qeyb ka noqono isbahaysiga Mraeykanka,imika ma aha halka aan joogno iyo dhanka aan u socono,” ayuu intaa ku daray.

“Mareykanka ayaan ku tiirsanahay marka ay timaado dhanka cirka, sirdoonka iyo qalabka wax lagu baaro, waa in aan qalabkeena ballaarinaa.” ayuu yiri Mr Mr Wallace .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here