Wasiirka Maaliyadda DF oo shaaciyay xilliga deynta laga cafinayo Soomaaliya

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha maamulka IMF, taasi oo ku saabsaneyd meel marinta qorshaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomaaliya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa.

“IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Beyle.

Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaha lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020.

“Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafin lahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka.

” Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taalaa in aan dhameystirno” ayuu yiri wasiir Bayle.

Shalay ayey aheyd markii ugu horeeysay ee golaha wakiillada dalka mareekanku ansixiyeen cafinta deynta lagu leeyahay soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here