Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga Ciraaq

wtk biyo Xasan Cabdinuur

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Soomaaliya, Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa gaaraya magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wasiir ayaa hogaaminayay wafdi balaadhan, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee caasimada, ayada oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Biyaha dalka Ciraaq, Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Ciraaq, Al-Hamdani.

Wasiirka ayaa ka qeyb-galaya shirkii 1-aad ee Biyaha caalamiga ah ee Baghdad oo ka furmaya isla caasimada dalka Ciraaq, wuxuuna ku meteli doona Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee uu horkacayo Wasiir Xasan Cabdinuur ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalka Ciraaq, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya iskaashiga dhanka labada dowladood, gaar ahaan Maareynta kheyraadka biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here