Wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan oo geeriyooday

Khaliif Ciise Mudan

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay, Geerida Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan

Marxuum Khaliif Ciise Mudan, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa saacaadihii hore ee saaka oo Talaado ah geeriyooday, sida ay xaqiijisay Puntland.

Alle ha u naxariistee, Gen. Khaliif Ciise Mudan wuxu kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka.

Sidoo kale, wuxu kamid ahaa As’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga iyo DDR-ta, islamarkaana wuxu sannadkii 2019 isu sharraxay Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here