Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee JFS Mudane Belel Cusmaan ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Russia u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti Ambassador Michail Golovanov.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.
Safiirka ayaa uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya.