“Wax aan cunno ma helin tan iyo markii uu soo baxay go’aankii joojinta jaadka”

qaad

Dowladda Kenya ayaa shalay hakisay diyaaradaha ka yimaada ama aada Soomaaliya ee ka bixi jiray Nairobi. Ma aysan caddeynin sababta, balse waxaa ka sii horeysay Soomaaliya oo soo “celisay diyaarado khaat siday”.

Arrimahan waxay ku soo aadee maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya ee kala go’ay dhammaadkii sannadkii hore ee 2020.

Xiisadda diblomasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa saameyn ba’an ku yeelatay ganacsiga khaadka ee Kenya, waxayna beeraleyda jaadka iyo ganacsataduba sheegeen in ay ceyrtoobeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sannadkan joojisay jaadka uga yimaada Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojinta jaadka sababta uga dhigtay cudurka Corona, haseyeeshee haatan waxaa lagu soo warramayaa in midka Itoobiya uu ka dego magaalooyin dhowr ah oo gudaha dalka ah.

Qaar ka mid ah beeraleyda jaadka oo noolal ahaan ku tiirsanaa jaadka waxay sheegeen in hadda beeraha aysan laheyn nacfigii ay waagii hore u lahaayeen.

Dadka leh beeraha jaadka, waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Marry Ntonja oo ah hooyo 49 sano jir ah, waxay sheegtay in markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ay waayeen wax ay cunaan.

Lix sano kahor dowladda Britain ayaa joojisay in jaadka loo dhoofiyo dalkaas, waxaana taas ay keentay in uu u soo haro suuqa Soomaaliya oo keliya, balse bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale joojisay in jaadka Kenya loo dhoofiyo dalkeeda, si la mid ah kumannaanka kale ee beeraleyda jaadka ah, Marry waxay ka walwalsan tahay waxa ay ku noolaan doonaan mustaqbalka.

“Dhibaato noolaleed ayaa inagu dhacday, fuqaro ayaanu noqonay lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa nagu dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma heyno, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay dhoofinta jaadka, saddexii bil-ba mar ayaanu jaadka soo goynaa, waxaan ka heli jirnay kun ilaa iyo shan kun oo doollar; lacagtaas ayaan ku nooleyn, hadda hal doollarna iga ma soo galo jaadka”, ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da.

Jaadka ka baxa deegaanka Maua ee hoostaga maamul goboleedka Meru, waxaa halkaas looga yaqaanaa dahabka cagaaran, waana isha dhaqaale ee deegaanka Meru ee bariga Kenya.

Ururka ganacsatada jaadka ee Kenya waxay sheegeen in maalintiiba ay Soomaaliya u dhoofin jireen 50 tan oo jaad ah, waxayna ka heli jireen lacag ka badan 140 kun oo dollar, balse hadda oo aanay taas jirin. Waxaa jiro jaad yar oo lagu iibiyo gudaha Kenya, halka inta kalena ay qubaan.

Bakhaarada haawanaya

Weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo booqday deegaanka uu jaadka ka baxo ayaa sheegay in bakhaaradii lagu diyaarin jiray jaadkii Soomaaliya loo dhoofin jiray ayaa hadda cidlo ah, waxaana ku sugan dad yar oo fajac iyo amakaak uu ka muuqdo.

Marka laga soo tago un beeraha khaadka ay leeyihiin dadka deegaanka, waxaa kaloo jira ganacsato Soomaali ah oo dadka beeraleyda ah ka soo iibsada jaadka, kuwaas oo geeya Soomaaliya iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Waxay sheegeen in dhaqaale xumi baahsan ay dareemeen markii uu xirmay suuqa jaadka ee Soomaaliya. “Gawaaridii jaadka lagu qaadi jiray waa shaqo la’aan, go’aanka dowladda Soomaaliya wuu ina saameeyay,” ayuu yiri Maxamed Qureesh oo ka mid ah ganacsatada Jaadka Soomaaliya.

“Dadka qaar ganacsi kale ayay sameysteen. Soomaali badan ayaa ka guuray deegaanka Meru, kuwa kalena halkan ayay ku tabaaleysan yihiin oo wax shaqo ah ma heystaan. Aniga kula hadlaya dad badan ayaa ii shaqeyn jiray balse hadda waa shaqo la’aan”, ayuu yiri Maxamed.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in jaadka ay ku tiirsanaayeen oo uu shaqo abuur u ahaa dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka leh beeraha jaadka, kuwa ka soo iibsada, kuwa jawaanada ku gura iyo gaadiidka isugu jira diyaarado iyo baabuur ee u kala safri jiray gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Xiisadda diblomasiyadeed ee labada dhinac ma ahan mid sidaa u sahlan in la xalliyo.

Dowladda Federaalka waxay Kenya ku eedeysay in aanay u hagar bixin dhanka diblomaasiyada iyo ganacsigaba, waxayna shuruudo hor dhigtay dib u fasixidda jaadka.

Muqdisho ayaa dooneysay in Kenya ay joojiso faragelin ay sheegtay in ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse eedeymahaas waxaa beeniyay Kenya.

Barasaabka deegaanka Jaadka uu ka baxo ee Meru, Kiraitu Murungi, wuxuu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in isbedel uu imaan doono.

“Waxaa jira heshiis horudhac ah oo ay gaareen Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo la xiriira ganacsi dhinacya badan leh, jaadkuna wuu mid ka mid yahay. Waxay ila tahay in dowladda dhexe ay sameeneyso waxwalba oo karaankeeda ah, waxaana ku rajo fiican ka qabaa in arrintan la soo afjari doonaa,” Ayuu yiri Kiraitu Murungi.

Balse toddobaad kahor, Soomaaliya waxay u yeeratay safirkii u fadhiyay Nairobi, taas oo sii hurisay khilaafka diblumasiyadeed ee labada dhinac u dhexeeya.

Inta ay labada dal ka heshiinayaan, waxaa mustaqbal aan la hubin iyo dhibaato dhaqaale wajahaya beeraleyda iyo ganacsatada jaadka Kenya.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here