Wax ka ogow sababta ay u yaraadeen carruurtii ku dhalan jirtay Mareykanka iyo Yurub

uur

Si guud waxaa loogu maleynayay in xayiraadda lagu xakameynayo fayraska corona ay fursad u noqoneysay qoysaska guryaha wada jooga, sidaas darteedna ay kordhi karto tirada carruurta dhalaneysa, laakiin xaaladdu waxay noqotay si lama filaan ah. Arrintu ma aysan noqonin carruur badatay balse waxayba noqotay carruur yaraatay.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in dalka Mareykanka uu wajahayo hoos u dhicii ugu weynaa ee ku imaada tirada carruurta dhalaneysa qarnigan, meelo ka mid ah qaaradda Yurubna hoos u dhaca intaas wuuba kasii daran yahay.

Markii Frederike ay iyada iyo waalidiinteeda u guureen si ay u xannaaneeyaan qof waayeel ah oo qaraabadooda ah billowgii safmarka, waxay moodeysay inay heli doonto fursad dahabi ah oo ay qoyskeeda la qaadato.

Laakiin dhowr bilood kaddib, haweeneydan 33 jirka ah ee u dhalatay dalka Jarmalka waxay billowday inay walwal dareento.

Frederike waa iskaabulo waxayna ogaatay in cudurka safmarka ah uu ka hor istaagay fursad ay kula kulmi lahayd qofkii ay nololsha la wadaagi lahayd.

“Waqtiga waa mid qaali ah runtii hadda, nolosheydana hakad ayey gashay,” ayay tidhi.

Waxay isku dayday inay internet-ka wax ka shukaansato, laakiin in bannaanka loo soo baxo xilliga qaboobaha ah waxba kuma soo kordhineyso dadka is calmada.

Hadda, wali waxay ka fikireysaa nolosheeda iyo goorta ay fursad u heli doonto inay lamaane yeelato: “Marka ay dhibaatadan dhammaato waxay noqoneysaa xilli aan dhalmo daayay.

“Guriga ayaan iska joogaa sannadihii aan carruur dhali lahaa.”

Dadka daraaseeya kobaca bulshada, kuma cusba arrinta ku saabsan tirada carruurta ee hoos u dhacday.

Lama filaan iguma noqonin

“Marka aan arkay sida uu xaaladda u xumeeyay cudurka safmarka ah, layaab iguma noqonin,” ayuu yidhi Philip N. Cohen, oo ah barfasoor wax ka dhiga Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka.

“Laakiin wali waxaa layaab ah in la arko arrin noocan ah oo si run ah u dhaceysa.”

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, aqoonyahannada dhaqaalaha ee macadka Brookings ee dalka Mareykanka waxay qiyaaseen in tirada carruurta ku dhalaneysa Mareykanka ay hoos u dhici doonto 300,000 ilaa nus malyan.

Isla xilligaas, daraasad kormeer ah oo lagu sameeyay qorsheyaasha dhalmada ee qaaradda Yurub ayaa muujisay in dadka ku nool dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ee qorsheeyay in ay carruur dhalaan sanadka 2020-ka ay qorshahooda dib u dhigeen.

Waddanka Talyaanigana, 37% ka mid ah dadka waxay sheegeen in ay baajiyeen hamigoodii ku aaddanaa inay carruur dhalaan.

Xarunta xakameynta cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa soo saratay warbixin ay ku bidhaamisay in 8% ay hoos u dhacday tirada carruurta cusub bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Xog goor hore laga shaaciyay Talyaaniga ayaa muujisay in billowgii sanadka ay carruurta soo kordheysa hoos u dhaceen 21.6% . Sidoo kale waddanka Spain ayaa soo tabiyay hoos u dhacii ugu weynaa tan iyo markii tirinta la billaabay – kaasoo ah 20%.

Markii 9 bilood laga joogay xilligii uu soo billowday fayraska corona, dalalka Faransiiska, Kuuriya, Taiwan, Estonia, Latvia iyo Lithuania ayaa dhammaantood soo tabiyay in tiradii carruurta ee dhalan jirtay bil kasta marka la eego bilihii December iyo January ahaayeen kuwii ugu ilmo yaraa muddo 20 sano ah gudahood.

Macluumaadka laga baaro Google

Joshua Wilde iyo kooxdiisa oo ka howl gala macadka cilmi baarista ee Max Planck ee dalka Jarmalka ayaa horay u saadaaliyay hoos u dhaca tirada carruurta – waxayna sheegeen in waddanka Mareykanka ay saameyntan kasii jiri karto ilaa dhowr bilood oo kale.

Waxay eegeen tirada dadka Google ka raadinaya xogta ku saabsan uurka iyo xanuunnada la xiriira, kuwaasoo aad u yar xilligan. Waxaa hoos u dhacday tirada dadka raadiya magaca qalabka uurka lagu baaro, kuwaasoo markii hore badnaan jiray.

Bishii October waxay saadaaliyeen in marka la gaaro February ay dhalashada hoos u dhici doonto ilaa 15.2%.

Hadda waxay dareemayaan in hoos u dhacaas uu sii socon karo ilaa bisha August ee sanadkan.

Waxay noqon doontaa tii ugu xumeyd ee Mareykanka soo marta muddo hal qarni ah, oo xitaa ka badan dhalashadii carruurta ee hoos u dhacday sanadkii 2008 markii dhaqaalaha uu hoos u dhacay iyo sanadkii 1929-kii oo uu jiray walwal xoog leh.

Hase yeeshee adduunka oo dhan kama jiro walwalka ku aaddan in carruurta dhalaneysa ay yaraadaan.

Hay’adda arrimaha taranka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in cudurka safmarka ah uu sababay in ku dhawaad 12 milyan oo haween ah oo ku kala sugan 115 waddan aysan heli karin dawooyinka loo adeegsado kala korinta ubadka, taasina ay horseedi karto in 1.4 milyan oo dumar ah ay yeeshaan uur aysan ku talo galin.

Dalka Indonesiya oo kaliya, dowladda ayaa saadaalisay in nus malyan carruur ah ay u dhalan doonaan cudurka safmarka ah awgiis.

Inta lagu guda jiray xayiraadaha dhaqdhaqaaqa, waxay dowladda Indonesia howl-galisay gawaari makarafoonno cod dheer ku xiran yihiin oo aabeyaasha loogu wacyigalinayo in ay is xakameeyaan, si aysan haweenkeedu uur u yeelanin.

“Aabbeyaal, fadlan is xakameeya,” ayaa lagu dhahayay farriintaas. “Waad sameyn kartaan galmo. Waad is guursan kartaan. Laakiin uur ha yeelanina.”

Haddaba maxay tahay sababta Mareykanka iyo Yurub ay uga yaraadeen carruurta dhalanaya?

Mid ka mid ah arrimaha la aaminsan yahay waa in ay yaraadeen dadka kulmaya ee gogosha wadaayaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here