Waxaan ganacsigayga ka billaabay shandad dhar ah

Joselyne Umutoniwase

Toddobaadkan taxanaha BBC-da ‘The Boss’ wuxuu soo bandhigayaa hoggaamiyeyaal ganacsi oo kala duwan oo ka kala yimid daafaha dunida. Toddobaadkan waxaan la hadlaynaa nashqadyahanadda dharka ah ee reer Rwanda Joselyne Umutoniwase.

Sannadkii 2010, Joselyne Umutoniwase waxay qaadatay go’aan geesinnimo leh. Waxay ku shaqeyneysay tifaftire filim muddo shan sano ah laakiin waxay go’aansatay inay joojiso, oo raacato riyadeeda ah inay noqoto naqshadeeye dhanka dharka ah.

Waxay sameysay ururinteedii ugu horeysay ee dharka markii ay ka safraysay dalkeeda hooyo ee Rwanda oo ay ku sii jeedday Jarmalka halkaas oo ay ka heshay deeq waxbarasho dhanka filim samaynta ah, waxay qaadatay labo boorso oo ay ka buuxaan, funaanado iyo dhar kale.

Waxay tidhi: “Dhallinyarda reer Jarmal way la yaabeen qaabka iyo tolliimada midabada badan leh ee Afrikaanka ah,” ayay tidhi.

Waxay ku iibisay wixii ay qaadday oo dhan muddo saddex bilood gudahood.

“Ma aanan ogeyn in aan ku kasban karo lacag culus aniga oo iibinayo hal abuurkeyga,” ayay tidhi

fashion
Qoraalka sawirka,Waxay iibsan jirtey dhar gacan labaad ah, kaddibna lacag ayay ka sii samayn jirtey

Khibraddeedii Jarmalku waxay siisay kalsooni ku filan iyo xoogaa caawimaad maaliyadeed ah si ay isbeddel shaqo u sameyso.

Waxay joojisay inay ku shaqayso xirfaddii tifaftiraha filimada, waxay iibsatay seddex mashiin oo tolmo ah, waxay shaqaalaysay laba dawaarle oo ay aasaasatay shirkad astaan gaara leh, iyada oo u bixisay Rwanda Clothing.

Hadda, sideed sano kadib, waxay maamushaa shirkad dhan iyadoo ay haysata 37 dawaarle oo waqti-buuxa ah, waxayna wax ku iibisaa inta u dhexaysa $ 50- $ 120 (£ 40- £ 95).

Joselyne, markii hore waxay ku soo kortay qoys dabaqadda dhexe ah oo ku noolaa caasimadda Rwanda, ee Kigali.

clothes
Qoraalka sawirka, Ma filayn inaaan hal abuurkaygii waxan oo lacag ah ka samayn karo” ayay sheegtay Joselyne

‘Waxaan soo iibsaday alaab gacan labaad ah oo raqiis ah oo aan cidina rabin” ayay tidhi. Waxa aanay dib uga samaysay dhar kale oo qurux badan.

Laakiin iyada oo ay jiraan waxyaabo badan oo imanayay Rwanda kana imaanayey Shiinaha iyo Hindiya , ma ay saamayn. Dhanka waxbarashada waxa ay ka walaacday wixiin halkii ay baran lahayd aflaamta iyo IT.

Aabaheed iyo adeerkeed labaduba waxay leeyihiin ganacsiyo badan. Tani waxay ku dhiirrigelisay inay bilawdo iyada oo yar ba ganacsi barashada, xilligaas oo ay dugsiga sare ahayd.

Laakiin waaya-aragnimadooda ayaa sidoo kale iyada tusiyay sida waxyaabaha qaar u qaldami karaan mararka qaar. “Markii aan yaraa aad ayaan u jahwareeray markii aabahay lagu qasbay inuu xidho meheraddiisii hilibka, maxaa yeelay saaxiibkiisii ganacsigu ayaa la wada tegay lacagtii oo dhan.”

cloth cutting
Qoraalka sawirka, Waxaa u shaqeeya 37 qof, oo dharka tola.

Kaydinta lacagta ayaa iyaduna caqabad ku ahayd , maadaama baananka aysan dooneynin aysan deyn amaahinayn.

Si kastaba ha noqotee, waxay la kulantay qareen iyo maal-gashade Roman Schulz intii lagu jiray booqashadeeda 2010-kii ee Jarmalka. Aad ayuu ugu farxay shaqadeeda hal abuurka ah iyo hibada dabiiciga ah ee naqshaddeeda, way rumaysay iyada oo markii dambena uu noqday lammaaneheeda ganacsi iyo ninkeeda.

Waxay isu urursadeen $ 10,000 oo kayd ah waxayna shaqaalaysay shaqaalaheedii ugu horreeyay.

Waxay qiraysaa inay sameysay dhowr qalad. Tusaale ahaan, labadeedii nashqadood ee ugu horreeyey.

store
Qoraalka sawirka, Kaydka lacagta ayaa ku adkaa markii hore, hadda se way u heshay xal.

Alice Nkulikiyinka, agaasime ka tirsan Shabakada Xirfadlayaasha Ganacsi ee Rwanda ayaa yidhi “Joselyne had iyo jeer waxay leedahay karti iyo himilo ganacsi.

“Shirkadeeda si joogto ah ayey u koraysay, iyada oo siisa shaqooyin aamin ah in kabadan 40 qof. Joselyne waxay aasaastay nashqad nooceedu caalami yahay oo caan ah. “

Sanadka 2018, mid ka mid ah riyooyinkii ugu weynaa ee Joselyne ayaa run noqday markii lagu martiqaaday isbuuca Fashion-ka ee Milan.

“Waxay ahayd guul in aan joogo halkaas” ayay tidhi. “Wax ay ahayd ictiraaf weyn in dharkayga halkaa lagu soo bandhigo”.”

Waxay sheegtay inay jeclaan laheyd inay bilawdo iibinta caalamiga ah iyada oo loo marayo dukaan dhanka internetka ah laakiin lacagta ay haysato ayaa ah caqabad oo ma karto.

clothes
Qoraalka sawirka, “dhallinyarada reer Jarmal way ka helaan dharkayga” ayay tidhi Joselyne.

Waxay hadda qorsheyneysaa inay bilowdo dukaan dhanka internet ah oo keliya Europe ku kooban, waxyaabaha ay ku iibin doontana waxaa ka mid ah: agabka guryaha laga sameeyo iyo waxyaabaha kale ee dharka lagu xidho sida jaakadaha. Laakiin waxay sheegtay inay ku baraarugsan tahay inaysan illoobin macaamiisheeda hore.

“Marka aad dhaqso u korto , haddii aad ka guurto macaamiishaadii hore, waxaad burburin kartaa ganacsigaaga.”

Laakiin qorshayaasheeda badankooda waxaa hakiyey dhibaatada coronavirus-ka darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here