Waxaan ka soo tagay ganacsigeyga si aan danyarta u caawiyo

Siman Muxumed Cilmi jigjiga

Haweeney reer Jigjiga ah oo magaaladaas ku laheyd ganacsi ayaa u jihaysatay inay ka shaqeyso u gargaaridda dadka ay haysato dhibaatooyinka caafimaad misana aanan heli karin dhaqaale ay isku dabiibaan.

Siman Muxumed Cilmi ayaa barnaamijkan ay bilowday saddex sanadood ka hor waxaa ka faa’iidaystay boqollaal bukaan ah, iyadoo dhaqaalaha ku baxa adeegyada caafimaad ee dadkaas loo fidiyayna ka aruuriso barteeda Facebook-ga.

Warbixintan oo ka mid ah warbixinnada 100 haween ah oo aan ku eegayno haweenka wax ku soo kordhiyay bulshadooda ayey Siman inagula wadaagtay waxyaabaha ku dhaliyay howshan iyo uurkutaallada ku reebay intii ay howshaasi wadday.

“Kiiskii ugu horreeyay wuxuu ahaa muddo haatan laga joogo saddex sano, wuxuu ahaa wiil yar oo toddoba sanadood salka ku siqayay oo lugta laga hayo, xogtiisa ayaa isoo gaartay waxaa laga keenay magaalada Qallaafe, waa la ii keenay muddo afar bilood ah ayaan gurigeyga ku hayay dhaqtarkaa la geeyay lugta ayaa laga jara, alxamdulillah lug macmal ah ayaa loo sameeyay hadda sida dadka caadiga ah ayuu u socdaa,” ayay tiri.

“Kiiskaasi wuxuu ahaa mid ii horseeday inaan dad kale oo badan noloshooda wax ka beddelo” ayay tiri Siman.

Isbitaal bixin kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka oo laga furay magaalada Maxaas

Siman ayaa shahaado iyo billad-sharaf la guddoonsiiyay toddobaadkii hore iyadoo ku muteysatay shaqada ay dadka danyarta ah u heyso. Munaasabadda shahaadada lagu guddoonsiiyay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa Siman mar walba waxaa lagu guddoonsiiyaa shahaado.

Xaggee ayay dhaqaalaha ka heshaa?

Siman ayaa caawisa boqollaal bukaanno ah oo ku kala nool deegaannada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo barteeda Facebook u adeegsata inay dhaqaalaha ugu ururiso dadka caawinta u baahan.

“Qofka bukaanka ah xogtiisa markii la ii soo diro waan aadaa marka ugu horreysa, kaddib sawir ayaan ka soo qaadaay waxaan soo dhigaa baraha bulshada, walaalaha muxsiniinta ah ayaan ka codsadaa inay qofka danyarta ah ka caawiyaan kharashkii dhaqtarka lagu geyn lahaa nambarkeyga ayaan ku qoraa, dadkuna sidaas ayay iigula soo xiriiraan oo ay ugu soo diraan kharashka, aniguna sidaa ayaan dhaqtarka ku geeyaa,” ayay tiri Siman.

Xiriirka ay Siman la leedahay dadka ay caawiso kuma koobna muddada ay caawineyso ee waxa la yeelataa xiriir dheer oo ay mararka qaar guryahooda booqasho ugu tago.

Siman ayaa sidoo kale bukaannada ka caawisa in loo qaado magaalada caasimadda u ah Itoobiya ee Addis Ababa, si daaweyn caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo.

Dadka ay caawisay ee ay noloshooda wax ka beddeshay waxaa ka mid ah Amiira oo ah labo jir ku dhalatay dhibaato dhanka habdhiska khashin saarka ah, doc ayay ka saxaroon jirtay taas oo dhibaato badan ku ahayd nolosheeda. Siman ayaa geysay isbitaalka sidaas ayaana gabadha lagu daweeyay.

“Xaaladdan way ku dhalatay, rafaad badan ayaan la soo marnay, waxaa lagu qalay Jigjiga balse ma caafimaadin, Siman ayaa naga caawisay in loo qaado Addis Aababa halkaas oo dhowr jeer qalliin loogu sameeyay balse markii dambe waan ku guuleysannay, hadda xaaladdeedu way fiicna tahay,” ayay tiri Raxma Daahir Cali oo ah hooyada Amiira.

“Saddex jeer ayaan ooyaa”

Siman ayaa BBC-da u sheegtay inay saameyn ku yeeshaan dadka ay caawiso isla markaana ay caqabado badan kala kulanto. “Saddex jeer ayaan ooyaa anigu, marka koowaad waa marka aan bukaanka in badan dhaqtar geeyo, kharash badan iiga baxo, balse la ii sheego inaan waxba laga qaban karin oo gurigiisa lagu celiyo ilaa uu ka geeriyoonayo, ta labaadna waa marka qofka aad in badan is taqaaneen oo aad caawineysay uu geeriyoodo, marka saddexaadna farxad baan la ooyaa oo waa marka uu qofku ladnaado,” ayay tiri Siman Muxumed.

Siman ayaa waxay sidoo kale haatan ka qeyb qaadataa howlaha biya-dhaaminta oo loo sameeyo xoolo-dhaqatada ay abaaruhu saameeyeen. Waxay sheegtay inay farxad iyo dhiirrigelin ka hesho caawinta dadka danyarta ah ayna qorsheyneyso inad sii waddo howshan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here