Waxaan u haystay in HIV uu ku dhaco dhalinyarada keliya

ashley HIV

Markii Ashley oo 59 jir ah la geeyay isbitaalka isagoo calool xanuun ka cabanaya, isaga iyo dhaqaatiirtuba xisaabta kuma darsan HIV.

“Waxay yiraahdeen waxba ma qabtid, waxaad keliya qabtaa caabuq – anigoo aan ka war hayn inuu igu dhacay caabuqa ugu daran ee uu qof qiyaasi karo,” ayuu yiri Ashley.

Ashley saddex sano kahor ayaa laga helay HIV, isagoo ka qaaday galmo.

Balse baaritaankii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in goor hore uu caabuqu waxyeelleeyay difaaca jirkiisa.

Ma aha Ashley keligii – tobankii qof ee ka weyn da`da 50-meeyada ee qabta HIV waxaa la baaray goor dambe sanadkii 2018.

Khubarrada caafimaadka iyo hay`adaha samafalka ayaa sheegay in takoor iyo fahan darro laga qabo in dadka waaweyn ay howlgab ka yihiin dhanka galmada ay sababto inaan goor hore la ogaan calaamadaha.

“Dadka ka weyn 50 sano ee reer leh amaba ay xaasaskooda amaba seygooda kala tageen, waxay u haystaan inay badqabaan,” ayuu yiri Ashley.

“Sababtoo ah dadkaasi uur ma yeelan karaan, ‘wax khatar ahi ma jirto’.

“Sababtoo ah ‘xanuunnadaas waxay ku dhacaan da`yarta’. Balse sidaasi maaha, qof walba ayay ku dhici karaan.”

Waxaad isku haysataa qof aan la loodin karin

Daraasadda barnaamijka Victoria Derbyshire ayaa muujinaysa in cudurrada galmada la isku qaadsiiyo (STIs) ee ku dhaca dadka ay da`doodu 40-meeyada ka weyn tahay ay boqolkiiba saddex kordheen shantii sano ee la soo dhaafay.

Norah O’Brien, waa khabiir dhanka caafimaadka galmada, waxay sheegtay in dadka waaweyn qudhooda aysan isku haysan inay khatar ku jiraan.

Waa aragti ay qabto Karen Norton oo 63 jir ah, taasoo sanado kahor caabuqa HIV qaadday mar ay joogtay Afrika.

“Badankeen waxaan aaminsan nahay inaanan nala loodin karin oo aysan marnaba nagu dhici karin,” ayay tiri.

Karen
Karen ayaa sanado kahor caabuqa HIV qaadday mar ay joogtay Afrika

“Khubarradu waxay u maleeyaan in dadka ka weyn 50 sano uusan xanuunkan ku dhici karin.

“Waa wax aan dhammaanteen guud ahaan ka sameyno dadka ka weyn 50-ka sano.

“Runtii ma jeclid inaan ka fekerto in hooyadaa ama aabbahaa uu xanuunkan ku dhici karo – balse waa suurtogal.”

Karen waqti dheer ayay ku qaadatay inay ka hadasho xanuunkaas, iyadoo ka baqaysa in lagu takooro.

“Waxaad dareemeysaa inaad hayso sir xun oo ay tahay inaad qariso,” ayay tiri.

“Haddii aad sameyso galmo aadan ka taxadarin wuu kugu dhici karaa xanuunka. Aniga ayaa tusaale u ah.”

Ma aha xukun dil ah

Bishii la soo dhaafay, daraasadda ayaa muujisay in tirada dadka qaba HIV ee ku nool UK ay hoos u dhacday sanadkii 2012.

Ururka Terrence Higgins Trust ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in diiradda la saaro bulshada la takooro ee lala xiriiriyo xanuunka.

Dadka waaweyn ayaa weli xusuusta ololihii HIV/Aids ee sanadihii 80-meeyadii iyo 90-meeyadii, iyagoo sheegay inaysan helin warbixin sax ah.

Waan ka xumahay

Dadka xilli hore loo soo qoro daawooyinka xanuunka HIV ee anti-retroviral ayaa la sheegay inay sii noolaan karaan oo ay dadka kale la mid yihiin.

Balse dadka goor dambe la ogaado inay caabuqa qabaan ayaa dhimasho khatar ugu jiray isla sanadkii la baaray marka loo barbar dhigo kuwa goor hore la baaray ee si degdeg ahna u bilaabay daaweynta.

Ashley ayaa dhibaato kala kulmay inuu goor dambe ogaaday xanuunka.

“Waxba kama qabo inaan la noolahay HIV. Gebi ahaanba waxba kama qabo. Balse waxaan ka xumahay inaan xilli dambe ogaaday – oo aysan goor hore iga helin,” ayuu yiri Ashley.

“Waqti dheer ayay ahayd… waxyeello ayaana jirkeyga gaartay – xoogaa waan ka xumahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here