Waxba kama jiraan in Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ku kulmayaan Doha/Qatar

wasiir dubbe

Wasiirka Warfaafinta JFS Cismaan Dubbe ayaa faahfahin ka bixiyey dib u soo celinya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa yiri “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan.

Laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.

Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here