WAYSADA IYO SALAADA OO LA OGAADAY INAY KA HORTAG U YIHIIN CAABUQA CORONAVIRUS

2019 nCoV2

Mar walba oo horumar laga sameeyo Sayniska iyo teknoolijiyada waxa soo badana faaiidooyinka caafimaad ee WAYSADA IYO SALAADA.

Caabuqa Coronavirus ee faraha ba’an ku haya dalka Shiinaha iyo caalamka, ayaa la ogaaday in ka hortaga ugu weyne uu yahay nadaafada oo kor loo qaado, taas oo la ogaaday WAYSADA shanta waqti ay leedahay faaiidooyin badan oo nadaafadeed taasoo ka hortag weyn u noqon karta cudurka Coronavirus.

WAYSADA IYO FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE KU JIRRA.

Waysadu waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo farabadan waxaana kamida:

Waysado maaha nadiifiso xubnaha muhiimka ah ee jidhka oo kaliya ee waxay kaloo jilcisaa, qaboojisaa jidhka. Waxay ka kaxaysaa xanuunka qaybaha jidhka (antipain) waxay saynisyahandu sheegeen in markasta oo biyaha qabow ay dulmaraan jidhka ay lectrolytes karacaan biyaha daadanayaa, taas oo keenta in daalkii ama xanuunka haya qofka uu ka yaraado markasta oo uu waysaysto. Waana taa sababta qof daalana markuu waysaysto uu u dareemo in uu daalkii ka yaraaday.

SANKA: In la san daarsadaa waxa ay ka hortagtaa jeermiska ku jirra sanka. Taasna waxay ka hortagtaa in jeermis badan oo xanuun dhaliyaaal ah ay gaadhi waayaan gudaha jidhka. Waxa kaloo ay ka ilaalisaa sanku in uu xidhmo, waxa loo yaqaan (nasal congestion). daahirida sanka waxay xubnaha muhiimka ah ee jidhka ka saarta dhamaan dareerayaasha sanka, sida (nasal sticky matter). Daahirinta Sanku waxay kaloo ka caawisaa qofka si loo yareeyo cudurada sida hargabka, xanuunada loo yaqaan (Sinusitis ) iyo caabuqid laabta.

WEJIGA: Wejiga oo la mayraa waxay ay cusboonaysiin ku samaysaa laayarka sare ee wajiga, iyadoo ka kaxaysa daalka.waxay, ka qayb qaadataa in qofku uu wali u eekaado in uu yaryahay ( face complexion) Markaa uujoogteeyo waysada muddo dheer. Waxa kaloo ay ka yaraysaa saliidaha maqaarka (oily skin). Koritaanka finanka iyo barbaraha maqaarka kasoo baxa.

GACMAHA: Maydhista gacmuhu wixii Xanuuno faafa ah ee dadku taabashada sida salaanta isugu gudbiyey.

LUQLUQASHADA: Luqluqashadu waxay muhiim utahay, in meesha laga saaro hadhaaga cuntadii ee uu qofku cunay, taas dhibaatooyin caafimaad ku keeni karta ilkaha, waxaanay meesha ka saarta urta xun iyo xanuundhaliyayaashii ku dhalan lahaa afka.

DHEGAHA: Dhagaha oo laa masaxaa waxa ay ka hortagtaa in dhagaha uu uu ku bato dhukaygu (ear wax). in dhagaha xaga danbe lamasaxo waxay ka hortag utagtaa in dhagaha uu ku dhaco xanuunka loo yaqaan (mastoiditis). mastoiditis waa caabuq ku dhasha lafta yar ee loo yaqaan ( mastoid) kaas uu ku faafi karra gudaha dhagta.

LUGAHA: In la maydho lugaha waxa ay ka qayb qaadata in laga shaqaysiiyo amma kor loo qaado goobaha habdhis ahaan firficooni galiya shaqada jidhka oo loo yaqaan marka lasoo gaabiyo (biologically active spots) Waxaana loo soo gaabiya (BAS) Waxa la yidhaa waa meelaha maamula jidhka .”control” and ” recharge boards” waxaana ka masuula ah xubno gaar ah oo jidhka kamida. hadaba in cagaha la maydhaa waxa ay carcar galisaa (stimulation) qanjidha ka loo yaqaan pituitary gland oo kamida xubnaha firficooni galiya shaqada jidhka.. qanjidhkani waxa uu kuyaala maskaxda waxa aanu masuul kayahay ka shaqaysiinta qanjidhka loo yaqaan Endocrine gland. waxaanu maamula koritaanka.

Guud ahaan faaiidooyinka caafimaad ee waysada waxa kamida

A) waxa la isla yaqaan in Jidhku uu leeyahay miisaan koranto ma guurto ah (electeric balance), hadaba waxa xaaladaha qaar luma miisaanka korontada ee jidhka, waxaanu elektoronadu ay afar jeer ka bataan sida caadiga marka uu qofku cadhoodo ama uu junoobo.

waayo waxa ku uruura jidhka qofka electoroono dheeraada. hadaba inaad waysaysataa ama aad maydhataa waxay ka kaxaysa electoroonadii dheeraadka ah, taasna waa sababta marka qofka cadhaysan haduu waysaysto uu caadi ugu soo noqdo.

B) waysadu waxay saamayn togan ku leedahay habdhiska dhiig wareega iyo daloolada xiidada dhiigu uu marro, iyadoo laga ilaaliyo inay dalooladaasi ay ka yaraadaan ama ka waynaadaan xajmigii caadiga ahaa.

Haddaba Faaiidooyinkaas faraha badan ee WAYSADA ayaa ka hortag weyn u noqonaya Caabuqa CORONAVIRUS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here