Weerar Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya iyo faahfaahino hor dhac ah

alshabab somalia

Macluumaadyo dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya maanta oo Khamiis ah.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyey in duulaanka lagu beegsaday gaari bas ah oo ku socdaalayey gobolka Lamu.

Baabuurka oo ka yimid Mombasa ayaa ku wajahnaa Lamu, sidda laga soo xigtay afhayeen u hadlay ciidamadda.

Warbixin kasoo baxday booliska ayaa lagu caddeeyay in saddex qof oo aan la hubin waxay yihiin lagu dilay falkaas.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa weerarkii koowaad oo sanadkan cusub ee 2020-ka ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here