Weerar kooxda Al-Shabaab ay la beegsan rabeen Uhuru Kenyatta oo la fashiliyey

uhuru kenyatta2

Hey’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaacisay inay fashilisay weeraro qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalka Kenya.

Hey’adda Sirdoonka ayaa sheegtay inay weerareen kowdii October guri ay Kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay weeraro qorsheysan oo Kenya laga fulin rabay maalinta dabaaldagga geesiyaasha Kenya oo ku beegneyd 20-kii October.

Kenya ayaa sheegtay in gurigaas uu ku yaalay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ah meel loo dalxiis tago halkaas oo lagu diyaarinayey shabakad isku xiran oo weeraro ku qaadi rabtay meel uu ka khudbeen lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale meelaha la weerari rabay ayey sheegtay Hey’adda Sirdoonka Kenya inay kamid ahaayeen xarumaha waaweyn ee Dowladda Kenya ee ku kala yaalo Nairobi iyo Mombasa.

Weerarkaas ay sirdoonka Kenya qaadeen ayaa lagu dilay xubin kamid ah kuwii fulin rabay weerarkaas halka laba kalana gacanta lagu dhigay sida ay sheegtay Hey’adda.

Guriga labada Nin ee xiran laga soo qabtay ayey hey’adda Sirdoonka Kenya sheegtay in laga helay Hub aad u farabadan oo ay doonayeen in ay ku fuliyaan weerarka islamarkaana dhibaato weyn ku geystaan.

11-ka November ayaa la dhageysan doonaa dacwadda labada nin ee gacanta lagu hayo markaas oo ay kasoo muuqan doonaan maxkamad sida uu sheegay Dickson Indaru oo ah baare ka tirsan Hay’adda ka hortagga Argagixisada Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro waaweyn horey uga fulisay gudaha Kenya waxaana weeraradaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxayna weeraradaas keeneyn inay yaraadaan dadkii usoo dalxiis tagi jiray Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya inta Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here