Weerar lagu qaaday saldhigga ciidammada Mareykanka ee Balidoogle

war deg deg

Waxaa lagu soo warramaya in weerar lagu qaaday saldhigga ciidammada militariga Mareykanka ay ku leeyihiin deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka waxay sheegayaan in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay saldhigga.

Qaraxyo xooggan iyo rasaas ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

Balidogle waxaa ku sugan ciidammo Mareykan ah oo tabbabar siiyo ciidammada Soomaaliya ee ku sugan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here