Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga ciidanka AMISOM ee degmada Balcad

ciidamada amisom

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Balcad oo xiriirisa labada magaallo ee Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala bartilmaameedsaday saldhig ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyhiin xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, gaar ahaan agagaarka Warshadii hore ee Dharka

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kuwaas oo ku hoobtay beero ku yaalla duleedka Balcad.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi ay madaafiicda isku wey-daarsadeen ciidamada AMISOM iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa saaka ah mid dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka magaaladaasi.

Amniga Balcad ayaa muddooyinkii dambe  ahaa mid faraha ka sii baxayey, waxaana xoogeystay weerarada ay xilliyada habeenkii ah halkaasi ka fuliyaan ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here