Weerarada Al-Shabaab oo sababay inay xirmaan iskuulo ku yaalo Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya

alshabab somalia

Weerarada joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab ka fuliso qeybo kamid ah gudaha dalka Kenya ayaa sababay inay xirmaan iskuulo badan oo  ku yaalo Gobolka Gaarisa.

Sababta ay iskuuladaas u xirmeen ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay halkaas isaga carareen macalimiintii dhigayey oo ka cabsaday weerarada kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay inay gacanta ka baxday Amniga Gobolka Gaarisa.

TSC oo ah Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen macalimiinta ay timaaday kadib markii ay Dowladda Kenya wax ka qaban weysay xaaladda Amniga ee Gobolka Gaarisa oo maalmihii dambe ay ka dhaceen weeraro khasaaro geystay oo ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa ugu baaqay waalidiinta ay ardayda u dhiganayeen Iskuulada Gobolka Gaarisa inaysan iskuul usoo dirin inta ay dowladda Kenya xal u keeneyso dhibaatada Amniga ee Gobolkaas ka taagan sida uu sheegay Xasan Sheekh Cali oo ah Afhayeen u hadlay guddigaas.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa diiday inay macalimiin kale keenaan Iskuulada ay ka tageen macalimiintaas iyagoo taas sabab uga dhigay inay keeneyso kala qeybsanaan ayna fududeeneyso inay macalimiinta galaan gacanta Al-Shabaab.

TSC ayaa sheegtay in macalimiinta Gobolka Gaarisa isaga cararay ay gaarayaan illaa 30 Macalin kuwaas oo ka naxay dhimashada seddex ka tirsan saaxiibadii ay macalimiinta isla ahaayeen oo ku dhintay weerar ay Bishii hore Al-Shabaab ku qaaday iskuul ku yaalo Gaarisa.

Kenya ayaa ilaa hadda ku guuleysan la’ inay ka hor tagto weerarada Al-Shabaab ee gudaha dalkaas, waxayna mar kasta sheegtaa inay xoogga saareyso sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolka.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xuduudda ay la leedahay Soomaaliya si ay uga hortagto maleeshiyada Al-Shabaab oo ku qulqulayo gudaha Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay joojin doonin weerarada ay ka geysato gudaha Kenya inta ay Dowladda Kenya kala baxeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here