Wefdi ka socda Jabuuti oo yimid Muqdisho, kuna sii jeeda Baydhabo Sawiro

wefti djibouti

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa saacadaha soo socda kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in wufuud ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ujeedka ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo furmaya beri oo Talaado ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu soo daayey waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro soo dhoweynta wafdigan ayaa haatan ka socota deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here