Weriye la shaqeynayey Al-Shabaab iyo wakiilo maamul oo kale oo xukun lagu riday

Xubnaha la xukumay shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday weriye la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan kooxdaas.

Weriye Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28 August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Al-Shabaab.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka warbixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho, si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Al-Shabaab.

Garsoorayaasha ayaa Xasan ku xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dhinaca kale, Cabbduqaadir Suufi Muunye  iyo Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Al-Shabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay, halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here