Maxamed Ibraahim Nuur Macalimow) Oo Ah Xoghayaha guud ee Ururka isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa si kulul ucambaareeyey dilkii Casir liiqii Shalay loo geystay Wariye C/weli Online.
“Eheladiisa ayaa inoo sheegay in Dhaawac uu soo gaaray C/weli Cali Xasan,markii loo soo qaadayna Muqdisho Xarumaha Caafimaad ayuuna dhexda kusoo dhintay,waan ka xunahay in wiil dhalinyaro ah oo Saxafi u ahaa Bulshadiisa u adeegayey in la dilo ayuu yiri Macalimuu”.
FESOJ waxay sheegtay inay doonayaan sidii loo heli lahaa cadaalad la hor keeno Kooxihii ka dambeeyey Dilka Saxafigaasi.
“Walaaloow inaggu Qori Ma heysano,waxaan awoodnaa waa inaan Cambaareyno,oo aan maamulada dhibka meesha uu ka dhacay ka codsano inay soo qabtaan cida Dilka ka dambeysay,Ayuu Yiri Macalimuu.
C/weli Online ayaa waxa uu ahaa Wakiil Wareed uga Soo warami jiray Degmada Afgooye Telefishinka Universal & Radio Kulmiye Muqdisho.