WHO oo saadaalisay in COVID 19 uu Afrika ku dili karo boqol kun qof ka badan

who

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan xaaladda caafimaadka qaaradda Afrika, waxeyna ka digtay iney tiro ka badan 100 kun oo qofood u geeriyoon karto cudurka COVID19 hadii lagu guuldareysto in bulshada ay raacaan talaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka.

Sida la sheegay WHO waxey saadaalineysaa in ku dhawaad laba boqol kun (200,000) qofood ay u dhiman karaan safmarkaan hadii aan la raacin hababka looga hortago.

Matshidiso Moeti oo ah agaasimaha Afrika ee hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa qiray in Africa uusan si xawli ah ugu fidin xanuunka, balse ay macquul tahay inuu sare u kac sameeyo hadii aan la raacin tallaabooyinka looga fogaanayo.

WHO waxey soo jeedisay talooyin caafimaad oo ay tahay in la raaco si looga fogaado xanuunka, balse in laga adeegsado qaaradda Afrika waa wax aad u hooseeya.

Haweeneyda WHO u qaabilsan Afrika waxey warbaahinta u sheegtay in loo baahan yahay dabagal dheer in lagu sameeyo baaritaanada COVID19, sidoo kalana daaweyn iyo karantiilba loo sameeyo qof walba oo laga helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here