Wicitaankii Trump ee sababay in Ukraine laga joojiyo gargaar la siin jiray

trump

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa joojiyay gargaarkii bini’aadanimo ee dalka Ukraine la siin jiray 91 daqiiqo un ka dib markii madaxweyne Trump uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky bishii July, waxaana hakintaasi lagu ogaaday farriin cusub oo ay dowladdu shaacisay.

Wicitaankaasi ayuu Mr Trump hogaamiyaha Ukrain ku weydiisatay in baaritaan lagu sameeyo ninka ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Waxayna Dimuqraadiyiinta arrintaasi ku tilmaameen iney muujineyso in madaxaweyne Trump uu awooddiisa ku takrifalay oo uu danihiisa gaarka u adeegsaday. Waana sababta haatan Trump looga keenay mooshinka xil ka qaadista.

Maxaa ku qornaa farrinta dhanka email-ka ah?

Farrinta cusub ee dhanka email-ka ah ayaa waxey muujineysaa in sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka Mike Duffey uu la xiriiray saraakiisha difaaca, waxa ayna ka wada hadleen joojinta gargaarka Ukreine saacad iyo badh un ka dib markii uu madaxweyne Trump khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Zelensky.

Maxay tahay tallaabada xigta ee dacwadda xil ka qaadista Trump?

Si ay howshu u socoto, Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan xisbiga Dimuqraaddigu waa inuu dacwaddiisa la xiriirta mooshinka xilka looga qaaday Trump u gudbiyo Senate-ka.

Hase yeeshee, afhayeenka aqalkaas Nancy Pelosi waxay diiddan tahay inay tallaabadaas qaaddo ilaa inta ay xeerarka ay adeegsanayaan Senate-ku noqdaan kuwo ay aqbali karaan Dimuqraaddigu.

Mitch McConnell, oo ah hoggaamiyaha Aqalka Senate-ka, ee kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa go’aan ka gaari doona sida loo qaadayo dacwadda ka dhanka ah Trump, Dimuqraaddiyiintuna waxay ka doonayaan inuu faahfaahiyo markhaatiyaasha uu adeegsan doono iyo nooca uu noqon doono markhaatifurka la aqbali karo.

“Wuu diiday inuu ciyaaro kubadda. Wali waan ismari la’nahay”, ayuu yiri ka dib markii uu shir kooban la qaatay hoggaamiyaha tirada laga badan yahay ee Senate-ka ugu jirta xisbiga Dimuqraaddiga, Chuck Schumer.

Mr McConnell ayaa heysta tirada badan. Xisbiga jamhuuriga ee uu Trump ka socdo waxay Senate-ka oo 100 xubnood ka kooban ku leeyihiin 53.

In la ansixiyo tallaabada xilka looga xayuubiyay madaxweyne Trump waxay u baahan tahay inay oggolaadaan saddex meelood labo meel oo ka mid ah xildhibaannada Senate-ka.

Dimuqraaddiyiinta ayaa sida muuqata u baahan inay taageero ka helaan 20 xildhibaan oo kasoo jeedda xisbiga madaxweynaha, waana sida kaliya ee ay ku suurtagali karto in Trump xilka laga tuuro, oo xabsi loo diro.

Mr McConnell ayaa mooshinka xilka looga qaadayo Trump ku tilmaamay “kii ugu dhakhsada badnaa, muddada ugu gaaban socday, oo caddaalad darro ku dhisan”.

Siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ayaa doonaya inay Trump ku markhaati furaan ugu yaraan 4 ka mid ah shaqalaha ka howlgala Aqalka Cad ama kuwii horay uga shaqeyn jiray, ee og arrinta la xiriirta Ukraine.

Waxay ku doodayaan in dacwaddu ay caddaalad noqoto, xildhibaannada Senate-kuna ay dhexdhexaad noqdaan.

Balse afhayeenka Aqalkaas ayaan u muuqanin mid uu qorshiisu sidaas yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here