Wiil Soomaali ah oo Magaalada London lagu dilay

dil london

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa wiiil kale oo Soomaali ah oo dhalinyaro ah ah oo habeenimadii xalay lagu diley xaafadda Shepherd’s Bush, ee degmada Hammersmith ee Galbeedka magaalada London.

Wiilkan oo da’diisa aheyd 18 jir, ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamed, ayaa isagoo dhaawac ah waxaa laga helay dukaan ku yaal wadadda Uxbridge oo uu ku cararay markii tooreyda lagu dhuftay, iyadoo isla markiiba goobta ay soo gaareen booliiska iyo kooxaha gurmadka deg deg ah oo ay ka mid yihiin diyaaradaha khumaatiga u kaca gaar ahaan kuwa Ambulance ah.

Dad goobjogaayaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa saxaafada u sheegay in Yuusuf intii aan la dilin ka hor uu isku dayay in uu labadii nin ee dilka u geysatey uu tuso aanu wax hub ah wadan, isagoo gacmaha kor u taagey, waxaase markiiba toorey lagaga dhuftay xabadka, markii uu gudaha dukaanka galay ayaa laba mar oo kale minddida la galiyey, iyadoo goobtii ay ka carareen ragii dilka geystey.

Cabdulaahi Culusow oo 62 sano jir ah, ahna Yuusuf Aabihiis, ayaa ku tilmaamay dilka wiilkiisa naxdin iyo qarracan, wuxuu sheegay Yuusuf uu ahaa wiil wanaagsan oo Koleej dhiganayey isla markaana doonayey in uu noqdo Injineer.


Qof goob jooge ah ayaa sheegay in wiilka la dilay lagu eryaday goob tukaan ah.


“Waxaan imid UK 20 sano ka hor, si aan u helo nolol wanaagsan iyo amni, laakiin London waxay noqotay bahallo galeen, maalin kasta waalidiintu waxay waynayaan ilmahoodii” ayuu yiri Cabdulaahi, oo sidoo kale Booliiska ka dalbaday in ay soo qabtaan kuwii ka dambeeyey dilka wiilkiisa inta aanay dillin buu yiri wiil kale.

“Halkan (UK) ayuu ku dhashay, wuxuu ahaa wiil la jecel yahay, waynu argagaxsanahay, waana wax aan la qaadan Karin” ayuu yiri Cabdulaahi.

Saaxiibada Yuusuf ayaa sheegay in uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo furfuran, isagoo taageere u ahaa kooxda Chelsea ee ka dhisan xaafadda Fulham ee uu ku dhashay.

Booliisku waxay kaloo codsadeen in ciddii wax ka og sidii uu weerarkaasi u dhacay ama ka agdhaweyd goobta ay la soo xiriirraan si ay u caawiso baaritaankooda.

Dilkan xalay dhacay ayaa ah kii ugu dambeeyey mowjado dilal iyo qulqulatooyin intooda badan u dhaxeeyaan dhalinyaro koox koox isku baacsanaysa gudaha magaalada London, kuwaasi oo shan qof siyaabo kala duwan loogu dilay lixdii maalmood ka hor.

Qaar kamid ah dhalinyarada soomaalida ee ku nool magaalada London ayaa waxay la kulmeen mowjado weerarro ah oo loo adeegsaday minddiyo taas oo saameysay guud ahaan soomaalida ku nool London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here