Wiilka Trump dhalay oo candhuuf lagu tufay

Eric Trump

Eric Trump oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu candhuuf ku tufay qof shaqaale ah oo ka shaqeeya baar lagu magacaabo Chicago cocktail bar.

“Runtii waxay ahayd ficil uu sameeyay qof qiireysan, waana arrin laga yaqyaqsado”, Sidaas waxaa yiri Eric Trump oo la hadlayay mid kamid ah warbaahinta Mareykanka.

Warbaahinta maxaliga ee dalkaas ayaa kusoo warramayay in laamaha ammaanka ay su\’aalo weydiiyeen qofka shaqaalaha ee sidaas sameeyay, inkastoo markii dambe la fasaxay.

Baarka ayaa xaqiijiyay in arrin “nasiib darro” ah ay dhacday, xili uu wilka Trump ku sugnaa dhismaha baarkaas lagu caweeyo. “Ma aanan joogin xiliga ay wax dhaceen, balse waxaan isku dayeenaa in aan ogaano sida ay wax u dhaceen”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saareen maamulka Baarka.

Waxay intaa raaciyeen in uusan jirin qof macamiil ah oo mudan in candhuuf lagu tufo. Eric ayaa sheegay in uusan wax dacwad ah u qabsan qofka sidaas sameeyay oo haatan si kooban shaqada looga joojiyay.

Afhayeen u hadlay booliska Chicago ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in arrintaas lagu soo wargeliyay. Xiliga arrinta ay dhacday oo ku beegneyd 20:30 fiidnimo.

Wiilka Trump oo maamula hay’adda Trump Organisation ayaa xiligaas ku sugnaa huteel uu aabihii ku leeyahay magaalada Chicago, wuxuuna sheegay in arrinta isaga ku dhacday ay ahayd mid siyaasadeysan.

“Waxay taasi muujineysaa ilbaxnimo tan ugu liidato, ayna tusaale u tahay in aan guuleysanay”, Ayuu raaciyay Eric.

Waxaa kale oo uu sheegay in qofkaas uu ahaa qof aaminsan siyaasadha xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka oo loollan adag ku haya xisbiga tallada haya.

Candhuufta lagu tufay wiilka Trump ayaa qeyb ka ah dhacdooyin is xigxigay oo ay la kulmayeen kooxda Trump, taas oo ku saleysan kala duwanaashaha dhanka siyaasadda Mareykanka.

Sidoo kale bishii Juunyo ee sanadkan ayaa waxaa lagu ooriyay nin xiligaas ka tirsanaa wasaaaradda amniga ee Mareykanka, waxaana maalin kadib xoghayihii saxaafadda ee Mareykanka Sarah Sanders lagu amray inay ka baxdo huteel ku yaala gobolka Virginia, maadaama ay katirsaneyd xukuumadda Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here