Xaaf oo dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

xaaf galmudug madaxweyne

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalin kahor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo oo markii horey uu ka soo ambabaxay.

Xaaf ayaa inta uu sugnaa Dhuusamareeb waxaa uu kulamo xasaasi ah uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasadda Galmudug.

Sababta uu Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dib ugu laabtay Gaalkacyo ayaa waxaa lagu sheegay inuu halkaas uga qeyb geli doono kulamo  siyaasadeed oo aan la shaacin, waxaana sidaas laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa la tilmaamay inuu dib ugu soo laaban doono Magaalada Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Qoorqoor, isla markaana uu xulka Galmudug ku wareejin doono.

Xaaf oo dorraad warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu shaaciyay inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo hormarinta maamulka Galmudug.

Si kastaba Xaaf ayaa waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay tahay halmid oo aysan jirin Galmudug labaad isaga oo Carabka ku dhuftay in uusan ka tagi doonin Galmudug kala shaqeyn doono Hormarka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here