Xaalada caafimaad ee Boris Johnson oo kasii dartay iyo wararkii ugu dambeeyey

boris johnson

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay qeybta daryeelka deg degga ah ee isbitaalka, kadib markii xaaladdiisa cudurka coronavirus ay kasii dartay, sida uu sheegay xafiiskiisa Downing Street.

Britain ma lahan wax qorshe ah oo deggan oo la xiriira cidda shaqada sii wadeysa, haddii ra’iisul wasaaraha uu noqdo mid aan wax qaban karin, hase yeeshee Johnson, oo 55 jir ah, ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Dominic Raab weydiistay inuu shaqadiisa sii qabto.

Johnson ayaa Axaddii la dhigay isbitaalka, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cudurka Coronavirus. Saraakiisha ayaa sheegay in Johnson uu dareemayey qandho heer kulkeedu sarreeyo, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Downing Street ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Johnson lagu xiray qalabka laga qaato neefta.

“Galabta ayaa xaaladda ra’iisul wasaraaha ay kasii dartay, waxaana kadib talo ka timid dhaqaatiirtiisa la dhigay qeybta xaaladda deg degga ah ee isbitaalka,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay xafiiskiisa.

Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in go’aanka Johnson lagu dhigay qeybta xaaladda deg degga ah, loo qaatay si loo muujiyo taxaddar dheeri ah.

Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here