Xaaladda Kismaayo oo kacsan iyo banaanbax ka socda

kismaayo map

Waxaa maanta kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu ka socdo dibadbax ballaaran.

Banaanbaxa oo ay dhigayaan shacabka reer Kismaayo ayaa waxaa looga soo horjeedaa dilkii xalay halkaasi loogu geystay ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon.

Dibadbaxayasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Ganacsade Xaaji Adoon oo xalay toogasho lagu dilay ayaa waxaa baxsatay kooxdii fulisay.

Jubbaland oo ka hadashay dilkan waxa ay sheegtay inay ka xun tahay, islamarkaana ciidamadeeda ay ku raad joogaan raggii fuliyey.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri ah oo doorashada Jubbaland, kadib ku soo kordhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here