Xaaskii Amiirka Imaaraatka oo ku gabanaysaa qasri $100 milyan ah, dacwadna diyaarsatay

amiirad haya bint al hussein

Amiirad Haya Bint al-Hussein, oo ah xaaska Amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum, ayaa ninkeeda isaga tagtay sababa aan la garan, iyada oo dhacdadaasi lagu tilmaamay tii ugu horreysay oo ka dhacday aqalka looga arrimiyo iisu tagga Imaaraadka Carabta.

Amiiraddu waxay sheegtay iney guri ku yaalla bartamaha magaalada London ay ku sugan tahay.

Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangalyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn.

Ila wareedyo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay iney Amiirad Haya nafteeda u cabsatay maadaamaa ay iisu diyaarineysay iney ninkeeda maxkamad soo taagto.

Halkey ku soo barbaartay?

Amiirad Haya waxay dhalatay May 1974. Aabbaheed waa boqor Xeseenka Urdun, hooyadeedna waa boqorad Caalia al-Xuseen. Seddex jir ayey ahayd marki hooyadeed ay ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta dalka.

Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabbaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xiriira.

Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen.

Amiiradda carruurnimadeedi ugu badneyd waxay ku soo qaadatay dalka Britain.

Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalinjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba.

Mar sii horresya Amiirad Haya waxay sheegtay iney aad u jeceshahay shiishka iyo waditaanka gawaarida waaweyn, iyada weliba intaa ku dartay iney tahay haweeneyda keli ee dalka Urdun ka haysata leysanka waditaanka gawaarida waaweyn.

Amiirad Haya farda fuulka aad ayey ugu dheereysaa
Amiirad Haya sawir laga qaaday 18 jirkeedi sanadka marka uu ahaa 1993

Waxay takhasus aad u dheer u leedahay farda fuulka iyada oo guud ahaanba ciyaaraha xiiseyso, markay da’ddedu 20-ka madaxa la gashayna waxay u biya shubatay iney noqoto ciyaaryahan farda fuulka tartan ku gala.

Tartannada caalamiga iney ka qayb qaadatana waxaa lagu ogaaday ciyaarihi Olombikada ee 2000 lagu qabtay magaalada Sydney iyada oo xilligaasi sidday calanka dalkooda.

‘Waan nasiib badanahay inaan isaga ku dhawaado’

10-ka bisha April 2004-tii, iyada oo 30 jir ah ayey Amiirad Haya guursatay Shekh Mohammed oo xilligaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’isal wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna noqday madaxa Dubai. Amiir Mohamed xilligaa wuxuu ahaa 53 jir waxayna u ahayd xaaski lixaad oo uu guursado wuxuuna xaasas kala duwan uu ka dhalay 23 carruur ah.

Si la mid Amiirad Haya isaguna wuxuu ahaa mid aad u jecel farda fuulka waana aasaasaha ahna mulkiilaha madasha tartanka farda fuulka caalamiga ee Godolphin. Waxayna labada lammaane isku guursadeen oo uu arooskooda ka dhacay xaflad aroos oo lagu qabtay Cammaan.

Amiirad Haya muddadi ay Amiir Shekh Mohammed la nooleyd waxay ka hadli jirtay iey xiriir wanaagsan la leedahay seygeeda Sheik Mohamed oo wax dhib ah ka jirin, waxayna ku muujin jirtay sawirro quruxbadan oo ay ku tilmaameyso iney noolasheeda ku faraxsan tahay.

Sawirkan waxaa la qaday 2016-kii
Amiirad Haya iyo Seygeeda Amiir Sheikh Mohammed

“Maalin walba waan la yaabaa waxa uu sameeynayo” ayey tiri, mar ay Amiirad Haya la hadleysay wargeyska arrimaha dumarka ka faallooda sanadki 2016-kii. “Maalin walbana waxaa ilaahey uga mahadin jiray nasiibka uu ii siiyey inaan Amiirka noolal la wadaago.”

Balse waxay arrintani cusub soo ifbaxday sanadki hore Sheikha Latifa oo uu dhalay Sheikh Mohammed iney isku dayday iney dalka ka baxsato. Muuqaal ay baraha bulshada ku faafisay Amiiradda Sheikha oo 33 jir ah waxay sheegtay iyada iyo qoyskeeda iney aragtida iyo dookhaba ay ku kala duwanaadeen “oo ay xorriyaddeeda iyo rabiytaankeedaba ay ka helin”, iyada oo cadaadiska ay qoyskeeda kala kulanta ku tilmaantay xadgudub baahsan.

Ugu dambeyntina waxaa la sheegay iney Sheikha Latifa ayaa dhanka badda uga baxsatay Imaaraadka iyada oo uu baxsashada gacan uu ka sii nayey nin Faransiiska u dhashay, hase yeeshee ciidamada ilaalada badda ayaa badda Hindiya ka soo qabtay oo Dubai dib ugu soo celiyey.

Bishi December0na waxaa la shaaciyey sawir muujinaya iyada oo garab fadhida madaxweynihi hore ee Irish Mary Robinson oo Imaaraadka booqasha ku timid.

Sheikha Latifa Maxa ku dhacay?

Hay’adaha ay quseeysa arrintan ee Dubai waxay diideen inaan Sheikha Latifa “wax xad gudub ah aan loo geysan” haddana “ay Dubai ku nabad qabto”. Waxayna Amiira Haya ay xilligaasi sheegtay “in hadalka hay’adaha Dubai ka soo yeeray aan la rumeysan karin ayna ka fogtahay xaqiiqda dhabta ah ee jirta.”

Balse hadda, lix bilood kaddib ilo wareedyo ku dhaw Amiirad Haya waxay BBC u sheegeen iney Amiirad Sheikha ay ka baxsatay cadaadiska ay kala kulanto ninkeeda iyo qoyska intiisa kalaba. Waxayna sheegtay inuu ammaankeeda sugnaaneyn haddii ay Dubai sii joogto waxayna marki hore u baxsatay Jarmalka inta ay Britain aadin ka hor.

Hase yeeshee, ninka qaba Sheikha Latifa wax jawaab ah kama bixin eedda ay xaaskiisa u soo jeedisay ee ay ku sheegtay inuu Amiirka iyo qoyka guud ahaanba ay u geysteen.

Sheekh Maxamed ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tix uu si caraysan ugu eedeeyay haweeney aanu magacaabin oo uu sheegay inay khiyaantay.

Prince Haya oo sheegtay iney ku noolan doonto guri ay ku leedahay Kangstan Palace oo ay qiimahiisu ku kaceyso $107 milyan oo doolar, ayna iisu diyrineyso dagaal dhanka sharciga ah iney ka billaawdo Maxkamadda sare ee daa UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here