Xaaskii madaxweyne CALI MAHDI oo geeriyootay

marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal

 Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March.

“Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi, qoyskeedii iyo eheladeeniina samir iyo iimaanna allaha haka siiyo, إنا لله وإنا إليه راجعون.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here