Xafiiska QM ee Soomaaliya oo Al-Shabab u diray farriin la xiriirta cudurka Coronavirus

james swan

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal uu soo saaray oo ku saabsan cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, waxa uu farriin ugu diray kooxda Al-Shabaab.

Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay ku celinayaan baaqa xoghayaha guud ee QM ee ah “xabad-joojin caalami ah oo meel la isaga dhigayo rabshadaha, is-aaminaad la’aanta, cadaawadda iyo naceybka.”

“Halkan Soomaaliya, QM waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dhammaan ficillada rabshadaha iyo argagixisada, si dhammaan kheyraadka iyo taageerada loogu jiheeyo dagaalka ka dhanka ah COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka James Swan.

“Tani waa muhiim si caawimaadda lagu bad-baadinayo noloshada loo gaarsiiyo bulshooyinka dalka oo dhan.”

James Swan ayaa sheegay in bahda QM ee Soomaaliya ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xilliga dhibka badan, ayna sii wadi doonaan taageerada wax looga qabanayo saameynta caafimaad iyo midda dhaqaale ee cudurka COVID-19.

“Waa inaan dhammaanteen u midownaa inaan ka hortagno faafitaanka cudurkan. Waxaan si gaar ah ugu baahannahay inaan dareen gaar ah ku bixino kuwa ugu baylahan bulshadeena, oo ay ku jiraan barakacayaasha, dadka xanuunsan iyo dadka da’da ah,” ayuu yiri.

QM ayaa ugu baaqday in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay isugu yimaadaan dagaalka ka dhanka ah COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay saddex kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, oo mid ka mid ah laga helay qandaraasle la shaqeeya UNSOM, halka labada kale ay yihiin Soomaali kasoo noqotay dalka dibeddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here