Xafiiska RW Rooble oo war kasoo saaray kulanka mucaaradka ee caawa

rooble musharixiin

Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sedaxaad ee shirarkii u socda xukuumadda iyo midowga musharaxiinta, kaas oo loo balansanaa Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here