Xaflad lagu furayay xafiiska Soomaliland ee Taiwan oo maanta ka dhacday Taipei

safiir taiwan somaliland

Waxaa magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xarigga looga jarayay oo lagu furayay xafiiska wakiilka Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiskaasi soomaaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei.

Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri “Taiwan waa gurigiinii labaad!”

“Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu intaa ku daray Mr Wu.

Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Soomaaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Soomaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Omer Hagi.

Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Soomaaliland sidoo kale laga siidaayay muuqaalka khudbad horey loo sii duubay oo jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi.

Waxaa uu khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaa, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga hormarka labada dhinac.

Madaxwayne Biixi ayaa waxau sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dhinac uu yahay mid ku saleysan mabaadi’da ay wadaagaan ee ku qotoma xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.

17 bishii Augst ayaa waxay xukuumadda Taiwan xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Markii ay bishii July ku dhawaaqeen Taiwan iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida inay xiriir laba geesood ah yeelan doonaan ayaa waxaa arrintaa ka dhalatay cambaareyn.

Canbaareynta ayaa ka timid Shiinaha iyo dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo labadaba ku baaqay in la ilaaliyo madaxbananida iyo midnimada dalalkooda.

Xukuumadda Shiinaha ayaa rumaysan in jasiiradda Taiwan ay ka mid tahya dhul waynaha Shiinaha.

Madaxweynaha hadda ee Taiwan, Tsai Ing-wen
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha hadda ee Taiwan, Tsai Ing-wen

Haddaba, Maxay tahay Taiwan?

Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeri lahaa – dal mise gobolka k tirsan Shiinaha.

Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii “xoog loo adeegsanaayo”.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong.

Afrika iyo Taiwan

Daafaha caalamka, in ka yar 20 dal ayaa hadda Taiwan u aqoonsan waddan madaxbannaan.

Sannadkii 2018-kii, dalka jamhuuriyadda Dominican aya dhanka Shiinaha u wareegatay. “Waa saameynta dunida, taiwan na taageero ayey sii lumineysaa,” ayuu yiri nin arrimaha caalamka ka faallooda oo lagu magacaabo Khan-Maxamed.

Dadka qaar waxay sheegaan in taageerada ay Taiwan lumisay ay sababtay in dal ahaan looga aqoonsan waayo caalamka.

Marka Qaaradda Afrika la eego, Shiinaha mar buu ka ahaa wax aan si wayn looga taageerin, Taiwan na ay xoog ku leedahay. Balse hadda waxay u muuqataa in Taiwan laga masaxay qaaradda.

Taiwan waxay markasta ka feejigantahay suuragalnimada weerar kaga Yimaada dowladda Shiinaha.
Qoraalka sawirka,Taiwan waxay markasta ka feejigantahay suuragalnimada weerar kaga Yimaada dowladda Shiinaha.

Horraantii 1960-meeyadii, xilligii Afrika ay qaadaneysay madaxbannaanida, Wakiillada Beijing iyo Taipei – caasimadda Taiwan – waxay doonayeen in xiriir adag oo diblumaasiyadeed la yeeshaan Afrika.

Taiwan waxay diiradda saartay caawinta beeraleyda Afrika ee bariiska soo saara. Taageeradaas waxay ahayd mid salka ku haysay arrimaha tiknolojiyadda iyo tababaridda beeraleyda. Taiwan waxay maalgelisay barnaamijkaas, waxayna dalalkii ay xulafada ahaayeen ee Afrika qabteen shir wayne.

Inta badan, 1960-meeyadii, Taiwan waxay Shiinaha kaga guuleysatay Afrika, marka la eego dhanka xiriirka diblumaasiyadeed. Balse xiriirkaa wuu sii baaba’ayay marba marka ka dambeysa. Taageerada bini-aadamnimo ma uusan u horseedin helidda taageero siyaasadeed, waxaana taas ay sababtay in Taiwan laga diido Qaramada Midoobey.

Sannadkii 1971, Golaha Guud ee Qaramada Midoobeey wuxuu mariyay qaraar Taiwan u diiday in kursi ay ka hesho xarunta UN ee Mareykanka, waxaana lagu xaqiijiyay kusriga Shiinaha ee Golaha uu ku leeyahay.

Illaa 27 dal oo Afrika ah ayaa qaraarkaas u codeeyay, taas oo si rasmi ah loogu diiday in Taiwan ay tahay dal madaxbannaan. Sidoo kale, 12 dal oo Afrika ah ayaa Mareykanka taageeray waxayna diideen qaraarkaas.

“Qaramada Midoobey oo ay ka maqan tahay, iyo codkeeda oo aan la maqleynin, taiwan waxaa markasta ku sii xumaaneysa xaaladda”.

Wixii ka dambeeyay 1990-maadkii, Taiwan waxay tallaabooyiin adag u qaatay sidii ay caalamka uga heli lahayd aqoonsi.

Qaaradda Afrika, taas waxay uga heli kartaa in maalgashi ay ku badalato xiriir diblumaasi. Sannadkii 1992, illaa $50 milyan oo dollar oo deyn ah oo ay Niger siisay waxay kaga badalatay aqoonsiga dal ahaan. Seddax sano ka dib, Taiwan waxay $35 Milyan oo dollar siisay Gambia si isla arrintaas aqoonsiga uga hesho.

Maalgashiga waa muhiim, balse laguma iibsan karo daacadnimo. Taiwan waxay markasta la safan tahay hoggaamiyeyaasha taageera madaxbannaani iyo dimuquraadiyad.

Taas waxay sababeysaa in hal dal uu dhowr goor is bedbedelo; in marna uu aqoonsado Taiwan marka uu xiriir la yeesho Shiinaha.

Sababaha Shiinaha uu guusha u gaarayo waxay tahay in uu diiradda saaro maalgashiyo ballaaran oo balaayiin dollar ay ku bexeyso taas oo deyn ku ah dalalka Afrika, iyo galaangal militari ee uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here