Xaliimo Yareey oo shaacisay in Galmudug ay doorasho qof iyo cod ahi ka dhici karto

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad- goboleedka Galmudug maanta ka daahfuray Ololaha wacyi galinta Bulshada Galmudug ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka 2020-2021.

Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Yareey oo kulanka ka hadashay ayaa sheegay in ololaha wacyi gelina ay kasoo sameeyeen qaar kamid ah maamul goboleedyada, hadana deegaano kale ay ku wajahan yihiin.

Waxaa ay sheegtay inay soo dhawaadeen xilliyadii la geli jiray doorashooyinka, sidoo kalena la wada ogyahay in Xildhibaanada labada Aqal Ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka, iyagana ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

“Galmudug waxay ka mid tahay dowlad goboleedyada aan diiwaan galinay goobaha doorashadu ka dhici karto waana uga mahad celinayaa inay ka qeyb qaataan dar dargelinta howlaha doorashooyinka” ayay tiri Xaliimo Yareey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here