Xaliimo Yarey: Hal mid oo kaliya ayaa naga hortaagan doorasho qof iyo cod ah

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in waxa kaliya ee hadda ka hortaagan in guda galaan hanaanka ay ku dhaceyso doorasho qof iyo cod ah ay tahay in barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada.

Waxay sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay guddiga diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaabaan diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qofka iyo codka ah.

“Dastuurka kumeel gaarka ahaa waa jiraa, sharciga gudidga doorashada uu ku shaqeynayay waa jiraa, waxaa naga maqan sharciga doorashooyinka oo barlamaanka horyaalla, oo noo madalsan in aan helno bisha Diseemabr, tallaabada xigta waxaa waaye in aan sameyno diiwaangelinta”, ayay tiri Xaliimo Yarey.

Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin, hase yeeshee Xaliimo Yarey ayaa sheegtay qaabka ay doorashada uga dhici doonto dhulka ay maamulaan Al Shabaab iyo Somaliland lagu qeexi doono sharciga doorashada oo haatan horyaalla baarlamaanka.

Siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka iyo madax maamul goboleedyada ayaa ku cadaadinaya dowladda inay shaaciso nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana soo bandhigto qorshaha lagu hir-gelinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here