Xaliimo Yarey oo soo saartey go’aan ku saabsan doorashada Soomaaliya

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in doorashada 2020/21 ay dhici doonto, kuna dhici doonto waqtigeeda.

Xaliimo Yarey ayaa sidoo kale labada gole ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel gaarnimada uga soo gudbaan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021.

Xaliima yarey ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyay ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah.

Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale guddiga doorashada ayaa golaha sharci dejinta ka dalbaday in ay dadejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga xisbiyada oo haatan horyaalla goalaha shacabka, si bey yiraahdeen ay xisbiyadu ugu gudbaan xibiyo rasmi ah oo sharciyad u leh in ay ka qeyb galaan doorashada 2020/2021.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxa ay golaha isku dhafka ah ee sugidda amniga doorashooyinka ka codsadeen in ay diyaariyaan qorshayaasha muhiimka u ah sugidda amniga  goobaha diiwaangalinta iyo codbixinta ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana ay sidoo kale u mahad celiyeen hay’adda qaramada midoobay, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

Daawo Xaliimo Yarey:

Xaliimo Yarey oo doorasho ku adkeysatay

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan Xaliimo Yareey oo ku adkeysatay in dalkaan ay ka dhicikarto doorasho qof iyo cod ah 2020-2021.

Slået op af Caasimada Online i Søndag den 22. marts 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here