Xarumaha shidaalka dalka Sacuudi Carabiya oo lala beegsaday duqeyn culus

gantaal xuuti

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yiraa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.

Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.

Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey warshadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu.

“Abaarihii 4.00am ee waqtiga Sacuudiga kooxaha nabadgelyada ee warshadaha ee Aramco waxay bilaabeen inay wax ka qabtaan dab ka kacay laba xarumood oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais taas oo ka dhalatay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” sidaa waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

“Dabkii labada goobood ka kacayna haatan waa la xakameeyey” ayey intaa ku dartay wakaaladdu.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday.

Sacuudi Carabiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay weeraro kaga imaanayay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, iyagoo si gaar ah u beegsanayay xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga leeyahay.

Abqiiq waxay 60 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Dahraan ee xarunta u ah gobolka bari ee Sucuudiga, Khurays na waxay ka sii shishaysaa 200 km, waxaana ku taal warshadda saliidda ee labaad ee dalka ugu weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here