Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

AlShabaab drone

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan lagu burburiyey dhismaha xarunta Al-Shabaab ee ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sidoo kale Africom ayaa intaasi ku sii dartay in weerarkan lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab,”.

Ugu dambeyn Africom ayaa hoosta ka xariiqday in weerarkaasi dhanka cirka ah ay kala kaashadeen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa kordhoyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here