Xaruntii isgaarsiinta ee Al-Shabaab oo la duqeeyay

AlShabaab drone

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe.

Duqeynta oo isku mar dhacday ayaa la sheegay in lala beegsaday laba fariisin oo muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada dagaalamayaasha.

Sidoo kale Jilib duqeynta ka dhacday ayey saraakiishu sheegeen in lala beegsaday guri la aaminsan yahay in uu daganaa mid kamid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab lamana hubo wixii ka dhashay oo khasaare ah.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay gelinkii dambe sheegay in duqeyn lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku sugan degmada Jilib.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta Mareykanka ay sheegeen, waxaana AFRCOM ay sheegtay inay weli qiimeynayaan.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale warbaahinta u gudaha u sheegay in ay diyaarado dagaal duqeeyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada dhexe, duqeyntaas oo aan ilaa hada la soo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Dhowr jeer oo hore ayaa la sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan uga geesteen Jubbooyinka waxaana mararka qaar ka dhasha dhimasho iyo dhaawac badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here