Xasan Muungaab oo hambalyo iyo baaq u diray Axmed Qoor Qoor

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Qoraal ka soo baxay Xasan Muungaab ayuu ugu baaqay Madaxweynaha la doortay inuu ka dhabbeeyo balanqaadyadiisa una horseedo Galmudug Horumar iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka Xasan Muungaab:-

Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) oo Baarlamaanka Galmudug ay xilkaa u doorteen maanta 2da febraayo 2020. Waxaan u rajaynayaa inuu xilka culus ee loo doortay Alle ku guuleeyo.

Waxaan sidoo kale Shacabka Galmudug ku ammaanayaa sida nabadgelyada ah ee ay u qabsadeen markii 3,aad doorashadda Madaxweynaha Maamulkooda.

Waxaan Madaxweynaha la doortay kula dardaarmayaa:

1) Inuu ka dhabeeyo balanqaadyadiisi una horseedo Galmudug horumar dhinac kasta leh.

2) Inuu ka shaqeeyo lana yimaado qorsho cad oo dib u heshiisiin dhab ah looga hergelinayo Galmudug si looga Baxo is-jiid jiidka ragaadiyay Shacabka Galmudug.

3) Inuu Galmudug ku hago sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd taabogelinta Dowlad Soomaaliyeed Federaal Dimoqraadi ah oo ku dhisan hannaanka Xisbiyada badan iyo Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo Dalka ka dhacda 2020-2021ka.

Ugu dambeyn, waxaan Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Galmudug iyo Maamulkiisa si ay u gutaan howlaha maamul ee hor yaala, shacabka Galmudug na u helaan waxqabadka ay sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here