Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka guuray hotelkii u dhowaa Daljirka Dahsoon

xasan iyo shiikh shariif

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhoweyd iskaga guuray Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon, sida la xaqiijnayo.

Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Muqdisho, kadib markii ay ciidamada qalabka Sida ay xoog isku hor istaagteen banaanbax ay iclaamiyeen inuu maanta ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xalay weerar ku qaadeen ciidamada Gorgor huteelka ay kasoo guureen Labada Madaxweyne, kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta Fagaaraha Daljirka Dahsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here