Xeeladaha aad isticmaali karto haddii hubka nuclear-ka la rido

Putin and Joe Biden

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda Ukraine, waxaa soo batay walaaca ay dadka caalamka ka muujinayaan in la adeegsado hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka.

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujisay in xiisadda hadda taagan ee ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ay sare u qaadday walwalka ay dadweynaha adduunka ka qabaan in dagaalka uu nocqo mid uu hubka nulear-ka qayb ka yahay.

Dad badan oo internet-ka isticmaala ayaa hadal haya sida ay xaaladdu noqon karto haddii la isku weeraro nuclear, dhibaatada kasoo gaadhi karta iyo sida ay ku badbaadi karaan.

Nuclear-ka oo isugu jira midka ku kaydsan sheybaarrada warshadaha iyo bambooyinka diyaarka ah waxaa marka la isticmaalo ka dhasha sun shucaac ah oo waxyeello weyn u keeneysa bani’aadanka iyo deeganaka.

Mareykanka ayaa xilligii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka bambooyin atomic ah u adeegsaday dalka Japan, waana tusaalaha kaliya ee laga og yahay khasaaraha uu keeni karo nuclear-ka, iyadoo haddana uu sidaas kadii casrisan yahay.

Hay’adda Tamarta Atomic-ga adduunka ayaa sheegtay in caalamku uu hadda si weyn ugu diyaarsan yahay hubka yar yar ee nuclear-ka balse wali loo diyaar garoobin bambooyinka atomic-ga ee halista badan.

Dalalka qaar ayaa sameystay godad dhulka hoostiisa ah, balse diyaar garowgaas ma aha mid dhammeystiran oo sidii loo baahnaa u shaqeyn kara.

Sawir kayd ah oo laga qaaday shaqaalaha warshadda nuclear-ka
Qoraalka sawirka,Sawir kayd ah oo laga qaaday shaqaalaha warshadda nuclear-ka

Bambada atomic-ga ay tahay hub istiraatiiji ah oo loogu talogalay burburin xad dhaaf ah, duniduna ay aaminsan tahay in ay wanaagsan tahay inaan laga hadlin isticmaalkeeda mar kale.

Sababtu waxay tahay in hadda aan la joogin waqtigii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, oo Mareykanka keliya uu heystay hubkan, cid kale oo ku jawaabi kartayna aysan jirin.

Sidoo kale waxaa ka dhalan kara dhibaato dhirta iyo deegaanka kale ee dabiiciga ah aysan kasoo kacsan karin kumannaan sano.

Waxyeellada koowaad ee nuclear-ka ka dhalaneysa waa cadaadiska tamarta ee ku sameysan, tan labaad waa kuleylka ka dhalanaya marka uu qarxo oo aad u daran, tan saddexaadna waa in uu sii deynayo sun hawada raaceysa oo shucaac ah, taasoo u daran dadka iyo deegaanka labadaba.

Bambadii ugu horreysay ee nulear-ka laga isticmaalo waxaa lagu dhuftay magaalada Hiroshima, saddex maalmood kaddibna mid kale ayaa lagu dhuftay magaalada Nagasaki
Qoraalka sawirka,Bambadii ugu horreysay ee nulear-ka laga isticmaalo waxaa lagu dhuftay magaalada Hiroshima, saddex maalmood kaddibna mid kale ayaa lagu dhuftay magaalada Nagasaki

Bambooyinka waaweyn ee atomic-ga waxaa qaadi kara diyaarado, balse waxaa jira madaxyo yar yar oo nuclear ah oo loo isticmaali karo madaafiicda yar yar. Sidaas darteed, maadaama ay dadal badan sameysteen qalab difaaca hawada ah way adkaaneysaa in uu wadan ku weeraro kuwaas.

Waxaa suuragal ah in diyaaradaha atomic-ga xambaara lagu weeraro dal ama gobol, balse waxaa kale oo aan meesha ma marneyn in gantaallada riddada dheer ay qaadi karaan nuclear-ka, iyagoo weerarka gaarsiinaya meelo aad u fog fog.

Maxaad sameyn kartaa haddii nuclear la isticmaalo?

Waxay u badan tahay in haddii nuclear la adeegsado shacabka la wargelin doono, laakiin arrintaas lama hubo 100%. Waxaa laga yaabaa in dalka la weeraray ay qalabkiisa raadaarka iyo difaaca hawada awoodi waayaan inay gartaan weerarka, taasina waxay keeneysaa in dadweynaha la ogeysiin waayo.

Waxaa habboon in qof walba uu hadda sii ogaado xeeladaha ugu habboon ee uu sameyn karo haddii ay dhacdadu noqoto mid deg deg ah.

Haddaba sideed naftaada ku badbaadin kartaa?

Haddii adigoo bannaanka jooga la fuliyo weerar nuclear ah, isku day inaad ku tiirsato wax walba oo kuu dhow, adigoo wajigaaga hoos ugu duwaya dhinaca dhulka. Haddii aad gaari ku dhex jirtana, istaaji dhulkana seexo.

Haddii bambo la tuurayo waxaa macquul ah in shucaaca uu dhex galo jirka bani’aadanka, islamarkiina uu sababo dhimasho.

Shucaawa halista ah wuxuu hawada soo galaa marka bambo atomic ah la isticmaalo. Shucaacan wuxuu dhulka kusoo gaaraa ilaa shan daqiiqo. Inta aysan dhammaanin shantaas daqiiqo waa in dad badan la badbaadiyo oo la galo meelo gabbaad ah oo qafilan.

Haddii aad ku jirto guri dhagax ka sameysan oo noocyadii hore ah, ka fogow darbiyada, kuna dadaal inaad istaagto meelaha dhexda ah.

Duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaraddii ridday bambadii atomic-ga ee lagu dhuftay Hiroshima

Iska ilaali inaad gaariga dhexdiisa gabbaad ka dhigato ama aad ku xarooto garaashka baabuurta la dhigo.

Ka hor inta aadan goobta gabbaadka ah gelin, iska bixi haddii aad xiran tahay dhar wasakh ah, maaskaro ama galoofiska gacmaha. Haddii ay suuragal tahayna jirkaaga oo dhan ku dhaq biyo nadiif ah.

Haddii aad ku sugan tahay bannaanka oo aad halis ugu jirto shucaaca, ha taabanin sankaaga, afkaaga iyo indhahaaga.

Qalabka laga xirto shucaaca hawada waa muhiim balse qof walba in uu helo way adag tahay.

Qalabka laga xirto shucaaca hawada

Dabka oo loo adeegsado in wax lagu dubo, xaanshiyaha musqudha loo adeegsado iyo dharka waxay soo jiitaan shucaaca, waxayna sababi karaan inuu si fudud ku galo shirkaaga.

Iska ilaali inaad u dhawaato qof ay waxyeelleeyeen fallaaraha shucaaca, waxay kuugu soo gudbi karaan neefsashada.

Marka la adeegsado hubka nuclear-ka, ha cunin raashin aan daboolneyn, meel bannaan ahna haku cunin.

Haddii ay suuragal kuu tahay karso raashin kugu filnaan kara ilaa saddex bari, daawooyinka kaalmada ahna yaysan kaa fogaanin.

Haddii la isticmaalo hubka nuclear-ka, waxay u badan tahay in telefoonka, internet-ka iyo qalabka kale ee la iskula xiriiro ay shaqada joojiyaan. Raadiyaha ayaa shaqeyn kara, xogta aad u baahan tahay oo dhan ka dhageyso raadiyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here