Xeer Ilaaliyaha: Gaariga la yiri wuxuu xabad ku riday guriga SHARIIF waa kayga, balse sidaas wax uma dhicin

xeer ilaaliyaha qaranka suleyman

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Xisbiga Himilo Qaran, taas oo la xariirtay in galabta askar wadatay gaari ay ku buufsantahay astaanta booliska Soomaaliya ay rasaas ku fureen difaaca hore ee guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xeer Ilaaliyaha oo goor dhaw qoraal uu arintan uga hadlaayo soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in askarta riday rasaasta ay ka tirsan tahay ilaaladiisa.

Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliye Suleymaan in aysan jirin cid rasaas ku furtay ama weerartay guriga madaxweynaha, balse waxa dhacay ay aheyd hal xabo, taas oo askartu ay ku riday laba wiil oo gawaari ay wateen wadada ku jaray, isla markaana wadada ku dhex sheekeysanayey.

“Gaariga la sheegay in uu Xaabad huwiyay ilaalada Madaxdwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd. Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn in aysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirinin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka Suleymaan.

Xoghayaha dhanka maaliyadda Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tilmaan ka bixiyey nuuca uu ahaa gaariga ay wateen askarta rasaasta ku furtay difaaca hore ee guriga Sheekh Shariif.

Cabdinasir ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ilaalada ka hayey guriga la rasaaseeyey ee Sheekh Shariif aysan bixin wax jawaab ah, isla markaana ay mas’uuliyad muujiyeen, sida uu hadalka u dhigay

“Gaari ay leeyihiin ciidanka Pilice ka oo numberkiisu yahay :POl 318  ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga waxay Muujiyeen masuuliyad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here