Xiisad ka taagan Mandhera iyo ciidamada DF oo laga cabsi qabo inay weeraraan

sagootin ciidan1

Xiisad xooggan ayaa ka taagan magaalada Mandhera ee dalka Kenya, ayada oo wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya.

Dadweyne badan oo deganaa xaafadaha ku yaalla xuduuda ee Mandhera ayaa ka cararay, ayaga oo gabbaad ka raasaday dadka ehelkooda ah ee ku nool dhinaca kale ee magaalada.

Xuseen Cabdow oo ka mid ah dadka xaafadda Buulo-Tawakal ee Mandhera ayaa sheegay in inta badan dadka xaafadda ay billaabeen inay magaalada ka qaxaan khamiistii kadib markii ciidamada Soomaaliya ay yimaadeen xuduudda.

“Ma hubno waxa dhici doona, hase yeeshee waxa aan ogahay ayaa ah in haddii ciidamada Soomaaliya ay soo galaan Mandhera, dad badan oo shacab ah ay naftooda weyn karaan,” ayuu yiri Xuseen oo la hadlay Daily Nation. 

Dhinaca kale, Cabdiya Jiirow oo caano ku iibisa magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegtay in ciidamada iyo saraakiisha Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wadaan magaalada. 

“Xaaladda ma ahan sidii hore, sababtoo ah saraakiisha ayaa dhufeysyo ka galaya magaalada ayaga ayaana maamula,” ayey tiri.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ayaa horey waxa uu dagaal ugu dhex-maray gudaha magaalada Beled-Xaawo, taasi oo laba askari looga dilay ciidanka Janan. 

Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa la sheegayaa inuu ciidamo badan oo daacad u ah uu iminka ku abaabulayo gudaha magaalada Mandhera, isaga oo isku diyaarinaya dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here