Xiisada Erdogan iyo Macron oo kasii dartay iyo tallaabo uu qaaday Macron

erdogan and macron

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta wada-tashi deg-deg ah ugu yeeray safiirka u fadhiya Turkiga, xili ay kasii dareyso xiisada ka dhaxeysa madaxda sarre ee labada dal.

Tallaabadan ayaa daba socota weerarkii afka ahaa ee uu madaxweyne Erdogan dhawaan ku qaaday dhigiisa Macron, kaasi oo uu tilmaamay shaqsi maskaxda ka jiran.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Paris uu sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo wax uu ugu yeeray Islaamka xagjirka ah ee ku sugan wadankiisa.

Sidoo kale Macron oo isaguna ka fal-celinayey dilka nin macallin taariikhda ahaa oo la gowracay, kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan marnaba joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

Madaxda labadan dal ee ka tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe waxa ka dhex aloosneyd xiisad ka dhalatay ismari-waaga labada dhinac ee colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakhay.

Xiisada labada dhinac ayaa horseeday in hogaamiyeyaasha dalalkaasi ay weerar kulul oo afka ah isku qaadan, taasi oo uga sii dareysa un muranka ka dhex aloosan.

Waxayna hadda mareysa xiisadda labada waddan meeshii u sarreysay, iyada oo Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo ee loo soo dhoofiyay, midaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here